Ciidamo lagu daadiyay Boosaaso iyo amar kaso baxay Puntland

Saraakiil katirsan Puntland ayaa tilmaamay in sharciga la horgeyn doono Ganacsade kasta oo diida lacagta dalka, oo labo sababood loo qaadan waayay, kuwaasoo kala ah inay duugowday iyo in dowladda Canshuurta dollar ku qaado.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo lagu daadiyay Boosaaso iyo amar kaso baxay Puntland

BOOSAASO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa soo saaray Amar ka dhan ah Ganacsatada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas, oo saddex canshuur bixiya, midna Maamulka Deni ka qaado iyo Al-Shabaab iyo Daacish.

Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Booliska Gobolka, ayaa laamaha amniga amar ku siiyay inay xiraan Ganacsade kasta oo diida qaadashada lacagta Shillin Soomaaliga oo la sheegay inay qaar kamid ah Ganacsatada diideen.

Saraakiil katirsan Puntland ayaa tilmaamay in sharciga la horgeyn doono Ganacsade kasta oo diida lacagta dalka, oo labo sababood loo qaadan waayay, kuwaasoo kala ah inay duugowday iyo in dowladda Canshuurta dollar ku qaado.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa soo weriyey in Suuqyada Magaalada saakay lagu daadiyay Ciidamo badan oo katirsan kuwa Booliska, oo loogu tala-galay inay la socdaan dhaq-dhaqaayada Suuqa iyo socodsiinta lacagta Shillin Soomaaliga.

Si kastaba, Amar uu soo saaray Taliska Booliska ayaa kusoo adaya, iyadoo qaar kamid ah magaalooyinka Puntland laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga, waxaana xusid mudan inay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigeen dadka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.