Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Muqdisho

Qaraxyo iyo weerar toos ah ayay Al-Shabaab ku qaadey meelo kala duwan, iyadoo Kooxda sheegtay inay dishay dhowr askari oo kamid ah Ciidamada booliska.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidan dheeraad ah oo isagu jira Boolis iyo NISA ayaa lagu daadiyay xalay wadooyinka magaaladda Muqdisho, iyadoo sare loo qaadey heerka feejignaanta.

Shacabka Caasimadda saakay ku waaberiisteen iyadoo Gaadiidka dagaalka lagu gooyay wadooyinka muhiimka sida kuwa mara degmooyinka, Xamarweyne, Xamar Jajab iyo Waaberi.

Waxaa la xiray jidka Isgoyska Ceel-Gaabta oo Todobaadkii hore qof isku qarxiiyay gaadiidka ergada Somaliland xili ay kasoo baxeen xerada Jen Kaahiye, oo Xildhibaano kusoo doorteen.

Isla saldhiga tababarka booliska ayaa waxaa maanta ka socotaa doorashadda kuraas kamid ah kuwa Somaliland, waxaana aad loo adkeeyay amaanka, cabsi laga qabo weerar Al-Shabaab.

Qaraxyo baabuur iyo weerar toos ah ayay Al-Shabaab ku qaadey meelo kala duwan, iyadoo Kooxda sheegtay inay dishay dhowr askari oo kamid ahaa Ciidamada booliska dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.