Ciidamo tababar loogu qaaday Turkiga

Cutubyo ka tirsan ciidamada loo yaqaan Gorgor oo kamida Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa loo qaaday dalka Turkiga halkaas oo tababar uu uga furmi doono

Warar Keydmedia Online
Ciidamo tababar loogu qaaday Turkiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada waxay maanta dalka ka dirtay ciidamo hor leh oo tabbobar gaar ah ku soo qaadan doona dugsiyada tababarka ciidamada ee dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ka sagootiyay Cutubyo ka tirsan ururka 7-aad ee kumaandooska Gorgor oo Tababar ku soo qaadanaya Dalka Turkiga,

Shalay waxaa dalka dib ugu soo laabtay cutubyo ka tirsan ciidamda Gorgor kuwaasoo soo dhammeystay tababar ay dalka Turkiga ugu maqnaayeen bilihii lasoo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.