Ciidamo Maraykan ah oo howl gal ka samaeeyay Mudug

Mudug(keydmedia) Ciidamo maraykan ah oo adeegsanaya diyaarad Helicopter ah ayaa dhalinyaro ka qabqabtay inta u dhaxeysa degmooyinka xarardheere iyo Hobyo oo ka tirsan gobalka Mudug.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyarada ayaa laga qabtay  deegaan lagu magacaabo GAAN oo 18Km u jira degmada xarardheere waxaana gacanta ku dhigay diyaarad jawi hoose ku socotay oo Helicopter ah.

C/qaadir Bashiir Max’ed oo ka mid ahaa dhalinyarada  ciidamada Maraykanka ay gacanta ku dhigeen ayaa u sheegay warbaahinta in diyaarada markii lagu qaaday kadib waxaa la dul geeyay markab weyn oo yeelay xeebaha gobalka Mudug.

Mr C.qaadir ayaa sheegay in su’aala badan laga weydiiyay arimaha burcada badda iyo kooxda Shabaab ee ka talisa degmada xarardheere ee gobalka mudug.

Ciidamada Ameerikaanka ayaa dhawaanahanba dhaqdhaqaaqyo balaaran waxa ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya iyagoo ku andacoonaya in ay la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.