Ciidan gaar ah oo lagu daadiyay nawaaxiga Madaxtooyadda

Fahad Yaasiin markii uu soo galay Villa Somalia durba waxaa la dareemay dhaq-dhaqaaq Ciidan, maadaama Madax aan isku wanaagsanayn oo xiisada u dhaxayso.

Warar Keydmedia Online
Ciidan gaar ah oo lagu daadiyay nawaaxiga Madaxtooyadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidan dhar-cad ah, oo katirsan NISA, islamarkaana aan la ogeyn cida ay ka amar qaadanayaan ayaa lagu arkay Isgoyska Jubba, oo ku dhaw xarunta Habar-Khadiija, sida shaqsiyaad katirsan laamaha amniga u xaqiijiyeen KON.

Waxay kusoo beegantay xili Villa Somalia waxaa ka jira dareen kala shaki iyo cabsi weyn, kadib markii Ciidanka ilaalada u kala qeybsamey Farmaajo iyo Rooble, oo amarro kala duwan siinaya.

Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah Caawa la yeeshay Caawa Saraakiil amniga oo isaga hoos yimaada, kuwaasoo u badan NISA, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda waxa uu kala hadlay.

NISA ayaa hadda leh labo hogaan oo kala ah Yaasiin Farey oo Farmaajo magacaabey iyo Bashiir Goobe oo Rooble isna magacaabey, waxayna kala haystaan askar taanacsan mid kasta.

Xarunta NISA waxaa ku sugan Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis, oo dhawaan is hortaag ku sameeyay Bashiir Goobe, iyagoo adeegsanaya Ciidanka lagu soo tababarey Eritrea ee Duufaan.

Dad kala duwan oo la hadlay KON ayaa sheegay in Fahad soo laabashadiisa wax badan ka bedeshay xaaladda Villa Somalia, isagoo durba billaabey dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Rooble.

Madax kala duwan baa ku dhex-jira Rooble iyo Farmaajo oo u sameynaya dhex-dhexaadin, si khilaafka u dhaxeeya ay ugu soo ajaraan wadahadal. [Halkan ka akhri warka].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.