Ciidan lagu soo tababaray Turkiga oo muqdisho soo gaaray

Ciidan dhawaan loo soo xiray tababar ay ku qaadanayeen waddanka Turkiga ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Ciidan lagu soo tababaray Turkiga oo muqdisho soo gaaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka 15-aad ee Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa goor dhaweyd ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyaga oo ay saarnaa diyaarad gaar ah oo Ciidamada Turkigu ay leeyihiin, kaddib tababar heer sare ah oo Kumaandoosku ay ku soo qaateen dalka Turkiga.

Ciidamadan ayaa tababar ugu maqnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana lagu wadaa in ay xoojiyaan ciidamada Gorgor oo horay uga howl gali jiray deegano badan oo kamida dalka, inkastoo ciidamadani loo soo tababaray in ay dalka ka difaacaan Argagaxisada, haddana madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa doonaya inuu ku boobo doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.