Ciidan Mushaar la’aan ka cabanaya oo jid gooyo sameeyay

Ciidan ka cabanaya mushaar iyo xuquuq la'aan muddo bilooyin ah ayaa jid-gooyo sameeyay, deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Ciidan Mushaar la’aan ka cabanaya oo jid gooyo sameeyay

GALINSOOR, Soomaaliya - Ciidamada Daraawiishta ee Galmudug, kuwaasoo dhawaan tababarka loogu soo xiray Xerada dhanka-roone ee Degmada Galinsoor, ayaa maanta sameeyey gadood.

Ciidankaan oo wata Gawaarida dagaalka iyo hub culus, ayaa Galinsoor waxay dhigteen labo Isbaaro, kadib markii ay waayeen Mushaar iyo xuquuqdii ay lahaayeen muddo bilooyin ah.

Waxay Saraakiisha Ciidanka u sheegeen Warbaahinta in ay joojinayaan shaqada wadada isku xiriirisa magaalooyinka ku yaalla Galmudug, waxayna ka billaabeen jidka dhex-mara Galinsoor oo gaadiidkii halkaa isticmaalayay u diideen in ay mararaan.

Gaadiid badan ayaa ku xayiran Galinsoor. Ciidanku waxay leeyihiin inta laga siinaayo Mushaarka iyo xuquuqaha ka maqan waddadu ay xirnaan doonto, oo ay ka war sugayaan jawaabta Saraakiisha maamulka Galmudug.

Xalaada degmada Galinsoor ayaa maanta ah mid kacsan, iyadoo dhowr mar oo hore ay Ciidankani halkaas ka sameeyeen Gaadood noocan ah.

Maamulka jilicsan ee Galmudug ayaan ku guuleysan inuu si joogta ah u bixiyo Mushaaraadka iyo xuquuqaha Ciidamada, waxaana Madaxweyne Qoor-Qoor uu ku mashquulsan yahay arrimaha doorashooyinka dalka, oo aan shaqadiisa ahayn.

Dhinaca amniga deegaanada Galmudug ayaa aad u xun, iyadoo shalay gelinkii dambe 7 ruux oo shacaba lagu dilay hal goob, iyadoo ilaa iyo hadda aan jirin wax tallaabo ah oo la qaaday, oo lagu joojinayo dagaal beeleedyo iyo sidoo kale weeraradda Kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.