Ciidanka DANAB oo howlgal fuliyay

Degaanka Lafoole oo sanado ay Al-Shabaab maamulaysay ayaa waxaa hadda gaarey Ciidanka kumaandooska DANAB, oo halkaasi ka sifeeyay fariisamo Kooxda Al-Shabaab ku lahayd.

Warar Keydmedia Online

LEEGO, Soomaaliya - Ciidanka DANAB ayaa maanta howlgal gaar ah ka fuliyay degaanka Leego, oo ku dhaw degmada Wanlaweyn, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidanka ay burburiyeen baro Al-Shabaab canshuurta uga qaadi jirtay Gaadiidka isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyagoo aan la kulmin iska-caabin ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.