Ciidamo Howlgal gaar ah ka fuliyay Sh/Hoose

Al-Shabaab oo haysata 7000 illaa 9000 oo dagaalyahan ayaa mudo 13 Sano dagaal kula jirta AMISOM oo 22,000 oo askari ka kooban iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo intaasi ka badan, waxayna tani muujinaysaa inaan daacad laga ahayn ciribtirka Kooxdan yar.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo Howlgal gaar ah ka fuliyay Sh/Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen deegaano ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Howlgallada ay Ciidamada sameeyeen ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Tooratoorow, waxaana lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare) oo ah taliyaha Ururka 16-aad ee Danab, ayaa sheegay in ay ku burburiyeen Gaari Al-Shabaab ku xirtay walxaha qarxa, kaasoo uu tilmaamay in lagu dhibaateyn rabay Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Beer-yare wuxuu xusay in ay nolosha kusoo qabteen saddex kamid ah Kooxda Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxa Gaari, sida uu hadalka u dhigay, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa inay sii wadi doonaan howlgallada gobolka Shabeellaha Hoose.

Maalmihii ugu dambeeyey, Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo aan jirin guulo la taaban karo oo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo haysata 7000 illaa 9000 oo dagaalyahan ayaa mudo 13 Sano dagaal kula jirta AMISOM oo 22,000 oo askari ka kooban iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo intaasi ka badan, waxayna tani muujinaysaa inaan daacad laga ahayn ciribtirka Kooxdan yar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.