Ciidanka DF oo la wareegay Beer Al-Shabaab ku beeratay Xashiish

Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Kuntuwaarey maalmo kahor, iyagoo kala wareegay Al-Shabaab gacanta ku heynta degmada oo muhiim u ah amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Baraawe.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF oo la wareegay Beer Al-Shabaab ku beeratay Xashiish

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyeen Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Gacanta ku dhigay Beer aad u weyn oo ay sheegeen inay Al-Shabaab ku beeratay Xashiish ay usoo dhoofin jirtay Magaalada Muqdisho.

Waa wax ku cusub dhaqanka Al-Shabaab, oo horey looga bartay inay meelo fagaaro ah ku gubaan waxyaabaha maanka dooriya sida Qaadka, Qamriga iyo Xashiiska, oo degaanada Kooxda maamusho laga mamnuuca.

Ciidanka DANAB ayaa 33 carruur ah kasoo badbaadiyey xero Al-Shabaab ku lahayd degmada Kuntuwaarey, kuwaasoo loo tababarayey inay isku qarxiyaan goobaha dowladda maamusho iyo saldhigyada Ciidanka, sida lagu sheegay war kasoo baxay DF.

Waxaan la ogeyn inay Ciidanka halkaasi qabsaday ay sii joogi doonaan iyo inkale, maadaama horey inta u qabsadeen kadibna isaga soo baxay, taasoo dhibaato u keentay shacabkii soo dhaweeyay, oo Al-Shabaab markii kusoo laabatay dil iyo xarig kula kacday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.