COVID-19 oo ku faafaya deggaanada Galmudug

Cudurka COVID19 ayaa si aad ah ugu baahaya, gudana deeggaanada maamulka Galmudug, iyadoo ay jiraan tiro dad ah oo u geeriyooday.

Warar Keydmedia Online
COVID-19 oo ku faafaya deggaanada Galmudug

CADAADO, Soomaaliya - Kiisaska la xiriira Xanuunka COVID-19, ayaa ku badanaya deggaanada Galmudug, waxaana la soo werinayaa dad saacadihii ugu danbeeyey xanuunka u dhintay.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitalka Guud, ee degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay, in Coronovirus ay u geeriyoodeen 48-dii saac ee ugu danbeysay ku dhawaad 4 qof, kuwaas u badnaa dad da' ah.

Dadka xanuunka u geeriyooday ayey ku sheegeen in ay isugu jiraan da' kasta, waxaana labbo ka mid ah marxuumiinta ay da'doodu ka yareyd 30 sano.

Arrintaas ayey Dhaqaatiirtu ku macneeyeen in ay muujineyso inta ay la egtahay Khatarta Covid-19, waxaana ay bulshada ugu baaqeen in ay ku baraarugaan halista uu cudurku leeyahay.

Durba maamulka Galmudug ayaa soo saaray, awaamiir uu ku farayo dadka ku nool deggaanada kala duwan in ay xirtaan af-saabka, islamarkaana ay ka fogaadaan goobaha la isugu yimaado.

Maamulka waxuu sheegay in ay soo badanayaan dadka xanuunka soo ridanayo, iyagoo suuragal tahay in Cudurku uu galaafto tiro ka badan inta uu horey Galmudug ku dilay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.