Culimada oo jeedisay baaq ku aadan abaaraha

Muqdisho (keydmedia) Shiikh Max’ud Aw-c/lle cariif oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku nool in ay qeyb ka qaataan gargaarka shacabka abaaraha ay ku saameeyeen gobalada kale duwan ee dalka.
Warar Keydmedia Online

Shiikha oo la hadlayay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa cod dheer uga dalbaday umadda muslimiinta iyo dhamaan dunida muslimka in ay kaalin ka geestaan daryeelka umadda dhibaateysan waxaana uu sheegay shiikha in taageerada dadka dhibaateysan laga heli karo ajar Aduun iyo aakhiro intuba.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Shiikh Cariif in culimada dhawaan ay furi doonaan Accounts loogu tala galay daryeelka dadka abaaraha ay saameeyeen ee dhibaateysan, isagoona ugu baaqay dhamaan shacabka in ay isu diyaariyaan gurmad u fidinta dadkaasi.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.