CCC Sharma’arke oo soo jeediyay in la cuna-qabateeyo mas’uuliyiin

Cumar Cabdirashiid Cali oo horay usoo noqday Ra'iisul Wasaare ayaa soo jeediyay in la cuna-qabateeyo shakhsiyaadka diiddan heshiiskii 17 -ka Sebtembar

Warar Keydmedia Online
CCC Sharma’arke oo soo jeediyay in la cuna-qabateeyo mas’uuliyiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo bartiisa gaarka ah ee Twitter -ka kusoo qoray talo ku socota Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal taasoo ah in la cuna-qabateeyo shakhsiyaadka diiddan heshiiskii 17-ka Sebtembar.

"Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseedda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada,’’ ayuu ku yiri Cumar Cabdirashiid Cali Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Senator Cumar Cabdirashiid Cali oo ka tirsan Senator -rada Golaha Aqalka Sare ayaa aad uga xumaaday hadalka ku saabsan in uu burburay heshiiskii 17-ka Sebtembar taa baddalkeedana la qorsheynayo in muddo kororsi loo sameeyo Farmaajo iyo nidaamkiisa, waxa uuna ka muujiyay walaac haddii tallaabadaasi la qaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.