Cumar Filish oo qiray in amniga Muqdisho faraha ka baxay

Caasimadda qeybo kamid ah waxaa laga furey warshado lagu sameeyay qamriga iyo noocyada kale ee daroogadda, sida uu qoray Cumar Filish.

Warar Keydmedia Online
Cumar Filish oo qiray in amniga Muqdisho faraha ka baxay

MUQDISHO, Soomaaliya - Cidna ood kama saarna in Caasimadda amnigeeda aan la isku halleyn karin oo faraha ka baxay mar hore, taasoo mas'uuliyiinta hadda afkooda ka xaqijiyeen.

Duqa Muqdisho Cumar Filish, oo noqdey mas'uulkii ugu xumaa oo soo mara Caasimadda taariikhda, ayaa meel fagaaro ah ka qiray in magaaladda ay noqotay meel bahal-galeen ah.

Isagoo ka hadlay kulan amniga Kaaraan looga hadlayay, ayuu Cumar Filish sheegay in degmada iyo kuwa kaleba laga furay warshado qamriga macmalka [Calaqa] lagu sameeyo.

Wuxuu xusay in kuwa daroogadda ka ganacsade ay hub sameystay, islamarkaana awood badan ku yeesheen degmada, taasoo ay adag tahay hadda in wax looga qabto si fudud.

Odayaasha kale ee goobta ka hadlay ayaa si taas lamid ah u sheegay in Kaaraan ay maamulaan Ciyaal Calaqa caba, oo qoriga garabka u suran yahay, oo aan cidna ka amar qaadan.

Waxaa sidoo kale jira degmooyin kale, oo dhaca baahsan shacabka looga geysto habeen iyo maalin, iyadoo wadooyinka halbowlaha ah askarta dadka rayidka ah ku toogtaan.

Waxaa barbar socda qaraxyada Al-Shabaab oo sii xoogeystay, iyadoo madaxdii shaqada amniga u dhaartay ay huteello iska jiifaan, markii ay baxayaan ku socda gaadiidka xabada karin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.