Cumar Islow: Shariif Xasan kama laaban karo go’aankiisii hore.

Muqdisho (Keydmedia) - Xoghayaha Baarlamaanka Kmg Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Islaaw ayaa maanta saxaafada u sheegay in hogaamiye kooxeed Shariif Xasan uusan marnaba ka leexan karin hadafkiisii hore ee ahaa in uu ku taagnaado wadadii Soomaalidu jahawareerka kula sii jiri laheyd.
Warar Keydmedia Online

Islaaw ayaa hadalkaan saxaafada u jeediyay kadib markii uu natiijo darro ku soo idlaaday kulankii sedaxaad ee mudo isbuuc ah ay wada qaateen Madaxweyne Shariif iyo Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan.

“go’aankiisii hore ee ahaa in doorasho laqabto Shariif Xasan marnaba kama bixi karo, lagamana ogola in uu madaxweynaha iyo xukuumada ku raaco doonistooda ah in doorashada dib loo dhigo mudo sanad ah”. Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Cumar Islaaw.

Labada Shariif ayaa kulamo xariir ah oo ay lahaayeen maalmihii tegay hasa yeeshee  natiijadooda aan saxafada looga war bixin jirin ayaa waregoodii ugu danbeeyay maanta soo idlaaday, iayada oo xildhibaanno xaajada si hoose ula socday ay sheegeen in Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan afkiisa uu ka fuqi waayay “aniga balan aan horay u galay kamana bixi karo”.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.