Cumar Jamaal: Amisom gobalo kale duwan ayaa la geynayaa

New York (keydmedia) Mas’uul ka tirsan wakiilada qaramada midoway u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in qaramada midooway ay qorsheyneyso dar dar galinta howsha ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Cumar Jamaal oo ka tirsan Saraakiisha Soomaaliya wakiilka uga ah Qaramada midoway oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM Ban-kimoon warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in la doonayo balaarinta awooda Amisom iyo ku fidinta Amisom gobalada ay joogaan taageerayaasha Dowlada.

Hadalka Ban ayaa u muuqanaya in Ciidamada Amisom la doonayo in la geeyo deeganada gobalada dhexe ee ay ka taliyaan maamulka Ahlu-suna ee xiriirka la leh dowlada KMG si meesha looga saaro kooxda Shabaab ee ka talisa qeyba ka mid ah gobalada dhexe iyo kuwa Bartamaha Soomaaliya.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.