Daacish oo weerar culus ka fulisay Puntland

Daacish ayaa waxaa lagu aas-aasay dhamaadkii 2015 dhulka Buuraha ah ee ku yaalla gobolka Bari, waxayna Kooxda loolan kula jirtaa Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Daacish oo weerar culus ka fulisay Puntland

BOOSAASO, Soomaaliya - Daacish ayaa weerar ku qaadey xalay degaanka Balli-Dhidin, oo ku dhaw magaaladda Boosaaso oo mudooyinkii dambe khatar dhanka amniga ku hayeen kooxaha argagaxisadda.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay gudoomiyihii Tuuladda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay dhowr qof oo shacab ah, sida ay sheegeen dadka degaanka, oo qaarkood la hadlay KON.

Sawirka hoose, waa AUN Maxamed Axmed oo ahaa gudoomiyaha Balli-Dhidin.

Gudoomiyaha Balli-Dhidin oo Daacish dishay xalay

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in Daacish ay qabsatay Balli-Dhidin kadib markii ay kasoo baxeen Ciidamada, iyadoo xaaladda gobolka Bari ay u muuqato inay faraha kasii baxayso. Degaanka waxuu ahaa tan iyo bishii lasoo dhaafay meel dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka jiraan, oo qaraxyo ka dhaceen.

C/qaadir Muumin oo Kooxda Al-Shabaab kasoo goostay ayaa Daacish lix sano kahor ku aas-aasay buuraha Golis, isagoo billaabatay inuu tababaro siiyo dagaalyahano cusub oo aan tiradooda badnayn, kuwaasoo dhowr jeer weeraro kala kulmay Al-Shabaab.

Puntland ayaa wajahaysa khatarta Daacish iyo Al-Shabaab, oo kusoo xoogeysanaysa gobolka Bari, oo Caasimadiisa Boosaaso u tahay isha dhaqaalaha maamulka Deni oo ku fashilmay amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.