Daacish-ta Soomaaliya oo labo garab u kala jabtay

Garabka Daacish uga dagaalama Soomaaliya ayaa u kala jabay labo garab oo ku loolamaya awooda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu xanuunsan yahay hogaamiyaha kooxda.

Warar Keydmedia Online
Daacish-ta Soomaaliya oo labo garab u kala jabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya, gaar ahaan buuraha Galgala ee Puntland ayaa labo garab u kala jabtay, iyadoo uu ka dhex billowday dagaal salka ku haya loolan dhanka xilka hogaanka kadib markii uu xanuunsaday hogaamiye C/qaadir Muumin.

Saddex xubnood ayaa ku dhimatay dagaal Isniintii ka dhacay galbeedka Boosaaso oo u dhaxeeya labada garab ee Daacish u qeybsantay, waxaana socda hub isku aruursi iyo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan labada dhinac.

Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya, oo da'diisu lagu qiyaasay 70 ayaa xanuunsan kadib markii uu ku dhacay cudurka Sonkorta [Diabetes], oo uu ka qaadey welwelka iyo cabsida duqeymaha diyaaradaha Mareykanka iyo guul-darrooyin kasoo wajahay Kooxdiisa dagaallo ay la gashay Al-Shabaab iyo Ciidanka Puntland.

C/qaadir Muumin oo kasoo jeeda Beesha Cali Saleeban, oo qabiilka Majeerteen katirsan, ayaa u muuqday inay gacantiisa ka baxday maamulka Kooxda, oo hadda dagaal ka dhex socdo, islamarkaana la saadaalinayo inay hogaamiye cusub dooran doonaan dhinac kasoo horjeeda.

22 October 2015 ayuu ku aas-aasay Kooxdan tirada yar kadib markii uu kasoo baxay Al-Shabaab uu u ahaa hogaamiye u qaabilsan dhinac waci-gelinta iyo xagjireynta [Brainwashing], caruurta la askareeyo.

Kooxdiisa ayaa dagaalo kula gashay Al-Shabaab duleedka Muqdisho 2017-2018 iyo degaanno katirsan gobolka Bari, ee Puntland kadib markii ay isku qabteen Canshuurta baadda ah ee ay ka qaadaan Ganacsiga iyo Shirkadaha waaweyn, sida Hormuud, Dahabshiil iyo kuwa kale ee Xawaaladaha.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, oo qarka u saaran inay burburto, maadaama iyadoo lahayd cadow badan, hadana dhexdeeda khilaaf iyo kala qeybsanaan soo kala dhexgalay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.