Daah-furka Dekadda Garacad oo kulmisay madax kala duwan

Dekaddan ayaa ah mid ay maalgashteen Ganacsato, waana Masharuuc ballaaran oo muujinaya in hadii dadka Soomaaliyee isku tashadaan looga maarmi karo ku tiirsanaanta shisheeyaha.

Warar Keydmedia Online
Daah-furka Dekadda Garacad oo kulmisay madax kala duwan

GARACAD - Xasan Sheekh, Madaxweynaha Soomaaliya iyo hogaamiyaha Puntland Saciid Deni ayaa Maanta xariga kawada jarey Dekadda cusub ee magaaladda Garacad, oo katirsan G/Mudug.

Waxaa ka qeyb-galay munaasabadda Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, Madaxweynaha dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo marti-sharaf kale oo ajnabi ku jiraan.

Dekaddan ayaa ah mid ay maalgashteen Ganacsato, waana Masharuuc ballaaran oo muujinaya in hadii dadka Soomaaliyee isku tashadaan looga maarmi karo ku tiirsanaanta shisheeyaha.

Waxa uu billowday dhismaha dekadda 2020, waxaana lagu bixiyay Malaayiin dollar, oo ka timid bulshadda gobolka iyo kuwa kale oo reer Puntland ah, kuwaasoo ay dowladda taageertay.

Xasan Sheekh ayaa ka sheegay goobta in Mashruucan oo kale uu yahay mid wanaagsan oo amaan mudan, maadaama dalka uu ku jiro marxalad dib u dhis ah, dadkuna sameynayaan isku-tashi.

Reer Hobyo oo isla gobolka Garacad ku taallo degan waxay tani u tahay tallaabo ku dayasho mudan, oo ku dhiira-gelinaysa inay dhistaan dekadooda, si ay uga baxaan baahida ku tiirsanaanta dekadaha Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.