Dab ka kacay degmada Salagle ee J.hoose

J.hoose(keydmedia) Dab qasaaro maaliyeed iyo mid nafeed geestay ayaa ka kacay degmada Salagle ee gobalka J.hoose .
Warar Keydmedia Online

Dabkan ayaa ka dhashay matoor yaalay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee degmadaasi iyadoona dabkaasi lagu waayay aduun lacageed oo dhan 25-kun oo doolarka maraykanka ah, waxaana sidoo kale naxdin darteed u geeriyooday mid ka mid ah haweenkii lahaa goobtaasi ganacsi.

Dadka deegaanka ayaa u gurmaday dadka hantidooda iyo guryahooda uu saameeyay dabka iyadoona wali ay soconeyso sama bixinta dadkaasi.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.