Xeebta Hobyo oo Dabaylo Qasaare Gaystay ku dhufteen.

Hobyo (KON) - Wararka Naga soo Gaaraya Magaala Xeebedka Hobyo ayaa Sheegaya in gordhow ay Halkaasi ku dhufteen Dabaylo Xoogan oo Sababay Qasaaro Naf iyo Maal isugu Jira waxaana Wararku intaa Ku Darayaan in Magaalada ay Baddu u soo dhawaatay Isla Markaana ay Dadkii Isaga Baxayaan.
Warar Keydmedia Online
Xeebta Hobyo oo Dabaylo Qasaare Gaystay ku dhufteen.

Mar aan la xiriirnay Dadka deegan ayay noo sheegen in ay Magaaladu kacsantahay ayna jiraan dabaylo iyo roobab ay wataan in ay Gabi ahaanba Xeebta iyo Deegaanada ku Xeeran ka Socdaan,wallow uu Qadka Telfanku Aad u adagyahay hadana Wariye C/lle Max’ed  C/lle uu xaqiijiyay in ay Jiraan Qasaare Isugu Jira Dhimasho Nafeed iyo Qasaare Maal hadana waxaa go,ay Isgaarsintii Mana jirto Cid Si rasmi ah u xaqiijin karta Baaxada Qasaaraha inta uu le ,egyahay .

Dabaylahan ayaa ku Bilowday inta Badan deegaan Xeebeedyadda Gobolada Mudug iyo Nugaal waxaa Sidoo kale Dabaylo Xoogan ku dhufteen Degmadda Garacad Balse nooma Suura galin in aan la xariirno sabab Xaga qadka Telfonka oo Go,an

Sidoo kale Dabaylo xoogan ayaa ku dhufteen Qaar ka mida degaano farabadan oo Ku teedsan xeebaha Badweynta Hindiya  

Isgaarsiinta ayaa Gabi ahaanba Hawada kabaxday iyadoona Wararku ay tilmaamayan in dabalaylaha xoogan awgeed ay isgaarsiintii hada kabaxday

Dhanka kale dabaylo ayaa laga soo sheegayaa in ay kajiraan deegaan xeebedyada Garacad, Barwaaqo iyo Bud Bud waxaana wali nagu Adag in War Tifaaftiran Laga helo Maadama ay Isgaarsiintu xumaata.

Xigasho: Hobyoradio

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.