Dad u afduubnaa Malleeshiyo Beeleed oo lasii daayay

Maalmihii lasoo dhaafay, degmada Matabaan ayaa Maamulkeeda la isku hayay cida ay hoostagayso, Hirshabeelle ama Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Dad u afduubnaa Malleeshiyo Beeleed oo lasii daayay

GAALKACYO, Soomaaliya - Malleeshiyo beeleed ku sugan duuleedka degmada Matabaan, oo katirsan Gobolka Hiiraan, ayaa sii daayay dad rayad ah oo safar ahaa, oo maalmo kahor ay af-duubteen.

Dadkan oo gaaraya 5 qof ayaa laga degsaday Gaari ay saarnaayeen oo ka yimid degmada Guriceel, gobolka Galgaduud, kuna wajahnaa magaaladda Muqdisho.

Malleeshiyada ayaa dalbatay in la siiyo magta nin hore looga dilay, oo gaaraysa $40,000, taasoo odayaasha labada dhinac ay wadahadal ka yeesheen, kadibna la isku raacay in dadka afduuban marka hore lasii daayo kadibna lacaga la bixiyo.

Falalka la xiriira aanooyinka, ayaa kusoo kordhayay mudooyinkii dambe Gobollada Dhexe, iyadoo dhowr degaan ay ka taagan yihiin Colaad sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Maalmihii lasoo dhaafay, Matabaan ayaa Maamulkeeda la isku hayay cida ay hoostagayso Hirshabeelle ama Galmudug, waxaana ka dhacay dhowr jeer dagaallo dad ay ku dhinteen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.