KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay agagaarka deegaanka No:50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.
MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa ka dhacay deegaanka Balan oo u dhow garoonka Lambar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa nooca miinadda dhulka lagu aaso ayaa haleelay Mooto khudaar usoo wadday Degmadda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ku dhintay wadihii Mootada saarnaa sida ay goob joogayaal sheegayaan.
Dhinaca kale qarax kale ayaa ka dhacay waddada isku xirto halka loo yaqaanno Bushka iyo degmada Awdheegle, ilaa iyo haddana faah-faahin raamiga lagama hayo.
Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay labo jibaartay qaraxyada iyo weerada ay ka geysanayso deegaanada iyo degmooyinka gobollada dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.