Dad Shacab ah oo lagu xiray Laas-Caanood

Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay dad shacab ah oo ay ku soo qabteen howlgal ay xalay ka sameeyeen Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-Caanood.

Warar Keydmedia Online
Dad Shacab ah oo lagu xiray Laas-Caanood

LAAS-CAANOOD, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland, ayaa Xabsiga dhigay dad shacab ah oo ay ku soo qabteen howlgal ay xalay ka sameeyeen Magaaladda Laas-Caanood, ee xarunta gobolka Sool kadib markii weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed uu ka dhacay goob ay ka socotay diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.

Laba askari oo katirsan Booliska iyo qof rayid ah ayuu dhaawac kasoo gaaray Qaraxa, wuxuuna burbur xoog leh u geystay xarunta diiwaangelinta dadka codadka ka dhiibanaya doorashadda Somaliland.

Sida uu goobjooge sheegey, Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay dhowr ruux oo lagu tuhmaayo qaraxaas, kaidib marki ay howlgal ka sameeyeen hareeraha halka uu weerarka ka dhacay, inkastoo aan la carabaabin tirada dadka la xiray.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa, arrintaan ayaana wel-wel ku abuureysa dadka ku dhaqan Magaalada Laas-Caanood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.