Dad si qarsoodi ah uga ganacsada Qamriga oo lasoo bandhigay

Laamaha ammaanka ee degmada Caabudwaaq ee ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa soo bandhigay maandooriye iyo raggii ka ganacsayay oo ku sugnaa magaalada Caabudwaaq

Warar Keydmedia Online
Dad si qarsoodi ah uga ganacsada Qamriga oo lasoo bandhigay

CAABUDWAAQ, Soomaaliya -Laamaha amaanka degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa maanta soo bandhigay maandooriye u badan Qamri iyo raggii ka ganacsanayay.

Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen maanta kusoo qabqabtay dad ka ganacsada maandooriyayaasha oo waqtiyadii u dambeeyay kusoo kordhayay deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug, waxaana howlgalkan lagu soo bandhigay tiro maandooriyaha ah gaar ahaan Qamriga oo kamida waxyaabaha aan la ogoleen in laga ganacsado iyo sidoo kale in la cabo.

Horay ayey dhowr jeer usameeyeen ciidamada ammaanka howlgallo lagu baacsanayo dadka sida dhuumaalisiga ah uga shaqeysta waxyaabaha aan la ogoleen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.