Dad abaar ugu dhintay Galguduud

GURICEEL (KEYDMEDIA) Wararka laga helayo degmada Guriceel ee gobalka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi ay dad ugu geeriyoodeen Abaar kadib markii ay waayeen wax ay cunaan.
Warar Keydmedia Online

Dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen in ku dhawaad 10 ruux ay saacadihii la soo dhaafay Abaarta ugu geeriyoodeen  waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dad badan iminka ay baahi la il daranyihiin deegaanadaasi.

Abaarta ayaa mudooyinkanba dad iyo duunyo si isku mid ah ugu waxyeeleyneysay shacabka danyarta ah ee ku dhaqan gobalada iyo degmooyinka kale duwan ee Dalka kadib markii la waayay roob xiliyeedkii sanadka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.