Dad Abaar ugu dhintay mudug

Mudug(keydmedia) Wararka laga helayo qeyba ka mid ah gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay dad ugu geeriyoodeen diif iyo darxumo laga dhaxlay abaaraha daba dheeraaday ee ka jira dalka.
Warar Keydmedia Online

Degmooyinka Wasil iyo Hobyo oo ka wada tirsan  gobalka Mudug ayaa la soo warinayaa in saacadihii la soo dhaafay dad badan ay ugu geeriyoodeen sabab la xiriirta Abaarta, waxaana dad ka badan 10 ruux ay gaajo iyo haraad ugu geeriyoodeen degmada Wasil sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dadka abaarta u dhintay badankood ayaa la sheegay in ay ahaayeen caruur iyo dad da’ ah, waxaana deegaanadaasi aan ka jirin cid kaalmeysa dadka abaaruhu ay saameeyeen magaca ay doonaanba ha sheegtaane.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.