Dad iyo duunyo ku dhibaateysan deegaanka Jaziira

Jaziira(keydmedia) Deegaanka Jaziira oo qiyaastii 10km dhanka Koonfur galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa iminka waxaa ka jira dhibaatooyin balaaran oo dhanka nolasha la xiriira.
Warar Keydmedia Online

Deegaanada Jaziira iyo Ceelhuur oo masaafa ahaan isu dhaw ayaa iminka waxaa ka jira xaalada nolaleed oo aad u cakiran, waxaana indhahaagu ay qabanayaan kolka aad tagto deegaanadaasi diif, darxumo iyo xoolo Abaar u geeriyooday.

Dadka ku nool deegaanadaasi qaarkood oo ay keydmedia la kulantay waxaa waxa ay sheegeen in dad iyo duunyaba ay iminka si weyn ugu baahi qabaan taageero nolaleed oo balaaran.

Dhibanayaashan ayaa ka soo barakacay deegaano hoostaga gobalada Sh.hoose iyo Sh.dhexe waxaana dadka halkaasi dagan qaarkood ay xoolahoodii geeriyoodeen mudadii ay barakaca ku soo jireen.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.