Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Kismaayo

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dishay askar iyo saraakiil ciidan, islamarkaana ay hub kula wareegtay.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidanka Jubbaland ayaa ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni, oo qiyaastii 50-KM dhanka Waqooyi uga beegan Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadey Saldhig Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin degaanka, waxaana labada dhinac is waydaarsadeen hubka culus iyo kan fudud, oo baqdin geliyay dadka shacabka.

Inta la ogyahay 8 askari oo uu kamid yahay Sarkaal lagu magacaabi jiray Yuusuf Aadan ayaa lagu dilay dagaalka, iyadoo dhanka Al-Shabaab uu soo gaarey qasaaro intaasi ka badan, sida ay dadka degaanka u sheegeen Keydmedia Online.

Degaanka Baar-Sanguuni oo laga difaaca amniga Kismaayo ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaallo noocan ah, iyadoo askari Mareykanka ah lagu dilay sanadkii 2018 kaasoo qeyb ka ahaa Ciidanka saldhiga ku leh halkaasi.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadeyso magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashadda Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee 11aad, iyadoo ujeedka Kooxda uu yahay inay joojiyo codbixinta.

In ka badan 50% Jubbaland waxaa maamusha Al-Shabaab, oo ku sugan guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe iyo degaanno badan oo kamid ah Gedo iyo Jubbada Hoose, oo Ciidanka Kenya ka howlgalaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.