Dagaal culus oo ka qarxay Beledweyne

Dagaalka ayaa imaanaya xili lagu wadey in Beledweyne doorashadda Gollaha Shacabka ka billaabato, islamarkaana uu booqdo Guudlaawe.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka qarxay Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaal qaraar ayaa ka socda Xaafadda Kooshin, ee magaaladda Beledweyne, kaasoo u dhaxeeya Ciidamo iska soo horjeeda oo arrimo gaar ah isku haya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacayo aaga Cali Bood, oo xaafadda Kooshin kamid ah, waxaana laga cabsi qabaa in xaafado kale ku faafo.

Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo horey magaaladda u qabsadey isagoo wata Ciidanka Badbaado Hiiraan ayaa hogaaminaya garab kamid ah labada dhinac ee dagaalka.

Lama oga illaa hadda waxa uu salka ku hayo Dagaalka, oo imaanaya xili lagu wadey inay Beledweyne doorashadda Gollaha Shacabka ka billaabato, islamarkaana booqdo Guudlaawe.

Wixii kusoo kordha, kala soco bogga Keydmedia.net

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.