Dagaal culus oo ka qarxay Guriceel

Hubka culus ayaa waxaa isku adeegsanayaa dhinacyada dagaalamaya iyadoo inta badan dadkii magaalada deganaa ay horay uga barakaceen. Magaalada ayaa gacanta u gashay Ahlusunna 1-dii Oktoobar ka dib markii ay ciidamada huwanta ah ka baxeen.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka qarxay Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Ciidanka DF iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Ahlu Sunna ayaa ka billowday magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud subaxnimadii Maanta oo Sabti ah.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamada huwanta ah ay waaberigii hore weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaalada, sida uu qof kamid ah dadka degaanka ugu sheegay Keydmedia Online khadka taleefanka.

Faahfaahinta khasaaraha ayaa weli mugdi ku jira.

Hubka culus ayaa waxaa isku adeegsanayaa dhinacyada dagaalamaya, iyadoo inta badan dadkii magaalada deganaa ay horay uga barakaceen. Magaalada ayaa gacanta u gashay Ahlusunna 1-dii Oktoobar ka dib markii ay Ciidamada huwanta ah ka baxeen.

Wixii kusoo kordha, kala soco bogga Keydmedia.net

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.