Dagaal Goordhaw ka qarxay Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore gacan ku heynta deegaanada Mubaarak iyo Daaru-salaam kala wareegay Alshabaab, walow ay dib uga baxeen.

Warar Keydmedia Online

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore duulaan ku qaaday tuulooyinka Mubaarak iyo Daar-usalaam oo hoos taga degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanada weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugan Alshabaab, waxaana haatan la soo sheegaya in uu halkaas dagaal xooggan ka socdo.

Ilaa iyo hada wax khasaaro ah lama soo warin, balse xogta ugu dambeysa ee ku saabsan dagaalka waxaad kala socon doontaan Keydmedia Online.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.