Dagaal ka dhacay Beledweyne oo lagu Dilay taliye sare

Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan lagu wada in Beledweyne ka dhacdo doorashadda 13 kursi oo kamid ah 25 Xildhibaan oo kasoo baxaya magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Beledweyne oo lagu Dilay taliye sare

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeya Ciidanka amniga maamulka HirShabeelle iyo kuwa Haramcad ee dhawaan laga keenay Muqdisho ayaa ka dhacay Beledweyne.

Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne, Maxamed Xuseen Durdage, ayaa lagu dilay subaxnimadii gudaha saldhiga, kadib markii ay kusoo weerareen askarta Haramcad.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan lagu wado in Beledweyne ka dhacdo doorashadda 13 kursi oo kamid ah 25 Xildhibaan oo kasoo baxaya Hiiraan, oo Guudlaawe laga diidan yahay.

Fahad Yaasiin ayaa Ciidamo isagu jira Haramcad iyo Gorgor geeyay degmada Beledweyne, si ay ugu fududeeyaan boobka doorashadda kursiga HOP86 oo uu ku fadhiyay Faarax C/qaadir.

Lama oga waxa sababay dagaalka Maanta, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay jirto xiisad colaadeed, iyadoo Cali Guudlaawe ku sugan yahay gudaha magaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.