Dagaal ka dhacay Dagmada Matabaan

Dagaal adag ayaa galabta ilaa caawa ku dhex maraya Ciidamada Booliska Dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyo hubeysan oo Jid-goooyo dhigtay deegaanada Dhagaxyaale iyo Dhisaqa oo dhanka qorrax u dhaca kaga aadan Magaalada.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Dagmada Matabaan

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiy Keydmedia Online, in ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa Haramcad oo ka yimid Dhuusamareeb ay salaaddi Cisho kadib u gudbeen wadada Miirqaasin oo dhanka qorrax u dhaca uga baxda Magaalada, hayeeshee inta aysan gaarin Dhagaxyaale oo ah deegaanka lagu dagaalamayo dhex loo galay.

Maleeshiyadan hubeysan ayaa ku gaaf waareegayay magaalada tan iyo markii jidgooyooyin u yaalay lagu qanciyay in ay qaadaan bishii hore.

Maleeshiyadaan hubeysan ayaa diidan saameynta uu Maamulka Galmudug ku leeyahay Matabaan oo ka tirsan DG HShabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.