Dagaal Culus oo ka dhacay degmada Wanlaweyn

Dagaal ayaa ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxa uuna dagaalkaasi u dhaxeeyaa maamulka Degmada Wanlaweyn.

Warar Keydmedia Online
Dagaal Culus oo ka dhacay degmada Wanlaweyn

WANLAWEYN, Soomaaliya - Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay maanta dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan kuwa maamulka, sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dagaalka ayaa ka billowday gudaha degmada, halkaasoo ay soo buux dhaafiyeen Malleeshiyo hubeysan oo la safan mid kamida dhinacyada dagaalka, ee kawada tirsan maamulka.

Guddoomiyaha degmada Maxamed Siidow iyo ku-xigeenkiisa dhinaca Arrimaha Bulshada Axmed Cabdi Maxamed ayuu u dhaxeeyaa dagaalka, waxuuna salka ku hayaa arrimo la xiriira howlaha Maamulka, iyadoo aan si rasmi ah loo hayn khasaaraha.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah kasoo saariin dagaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.