Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho

Lama oga khasaaraha, laakiin hal gaari oo kuwa dagaal ayaa Ciidanka dowladda looga gubey dagaalka, sida dadka degaanka ay u sheegeen Keydmedia Online.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka booliska Soomaaliya iyo Malleeshiyo la magac-baxdey Macawisleey ayaa maanta ku dagaalamay degaanka Jazeera, oo ku yaalla duleedka Koonfurteed ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii booliska ay isku dayeen inay la wareegeen Qaad laga soo dejiyay xeebta Jazeera, oo doonyo looga keenay dalka Kenya, kaasoo billooyinkii dambe si suuq madow ah dalka loo soo geliyo, kadib markii DF mamnuucday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.