Fahfaahin: Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Saldhiga Halgan waxaa dhawaan ku dagaalamay Ciidamada Itoobiya kadib markii la isku dayay in hubka laga dhigo kuwa Tigreeda ah.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaalka geystay khasaaro ka dhacay degaanka Halgan, oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadey Saldhiga Ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, oo socday muddo saacado ah.

Dadka degaanka ayaa waxaay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aan la ogaan karin khasaaraah ka dhashay dagaalka maadaama Ciidamada Itoobiya ogoleyn in loo dhawaado Xeryahooda.

Wararka kale ayaa waxaa ay sheegayaan in labad dhinac ay is-waydaarsadeen madaafiic, qaarkood ku dhacay Xaafadaha qaar ee degaanka Halgan, balse aysan geysan khasaaro.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo caadi u shaqeynaya.

Dhawaan waxaa ka dhacay saldhigga dagaal Ciidanka Itoobiya dhexdooda ah, kadib markii la isku dayay in hubka laga dhigo Askar Tigrey ah xili uu dagaal ka socday gobolkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.