Dagaal ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda HirShabeelle

Dagaal ayaa dhex maray Ciidamada mamulka Hirshabeelle, iyagoo ku dagaalamay agagaarka Madaxtooyada uu degan yahay Madaxweyne Waare.

Warar Keydmedia Online

JOWHAR, Soomaaliya - Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmey, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta Ciidamo kawada tirsan maamulka HirShabeelle ku dhexmaray magaaladda Jowhar, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran dhinac dhulka la xiriira. Askari katirsan Ciidamada AMISOM ee ilaaliya Madaxtooyadda ayaa kamid ah 3 qof oo lagu dhaawacay dagaalka oo mudo 20 daqiiqo ka badan socday.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka ayaa markii dambe kala dhex-galay Ciidanka, iyadoo markii dambe lagu guuleystay in xaaladda la dejiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.