Dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab, kahor inta aan la gaarin doorashooyinka 2020-21.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ceel-Wareegow iyo Lambar Konton, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii Al-Shabaab ay weerar kuq aadey saldhigyo Ciidanka DF degan yihiin.

Ciidamada ayaa iska caabiyay weerarka gaadmada ah, iyagoo khasaaro xoog leh ku gaarsiiyay Al-Shabaab, inkastoo wali aan la ogeyn tirada rasmi ah ee la dilay ama la dhaawacay.

Gobolka waxaa kusoo noq-noqday dagaallada qabaa'ilka iyo midka Al-Shabaab iyo DF u dhaxeeya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.