Dagaal ka socda Dhuusamareeb

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan rasaas culus oo ka dhacaysa dhanka xarunta Nabad Sugida iyo maamulka Galmudug, taasoo ay is-waydaarsanayaan Ciidamada Booliska ee loo yaqaano Haramcad iyo Militeriga.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dagaal xoog leh uu u dhaxeeya Ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa goordhaw ka qarxay magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug.

Rasaas ayaa laga maqlayaan nawaaxiga xarunta Nabad Sugida iyo Madaxtooyadda, waxaana labada dhinac iyo dadka shacabka kasoo gaarey dagaalka khasaarooyin kala duwan, inkastoo aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Wali lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu dagaalka qarxo, maadaama aysan mas'uuliyiinta amniga Galmudug ka hadlin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.