Amniga Baydhaba oo faraha kasii baxaya

Dagaal xooggan oo sababay khasaare kala duwan, ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Warar Keydmedia Online
Amniga Baydhaba oo faraha kasii baxaya

BAYDHABA, Soomaaliya - Dagaalka ayaa ka bilawday Fariisimada ay ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin agagaarka Xaafadaha bukriyey iyo Suuqa xoolaha, halkaasoo ay soo weerareen kooxda Al- Shabaab 

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxana dagaalka uu ku bilawday weerar madaafiic ah oo ay Shabaabku soo tuurayeen.

Qeybaha Bulshada deggan goobaha lagu dagaalamay ayaa xilli habeen ah isaga barakacay xaafadahooda, iyadoo inta la ogyahay ay dagaalka ku geeriyoodeen labo qof oo rayid ah.

Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in dhankooda uu ka dhaawacmay hal askari, isla markaana ay iyagu dileen in ku dhaw 2  dagaalyahano oo ka tirsan Kooxdii weerarka soo qaaday, taasoo aan rasmi ahaanshaheeda la xaqiijin karin.

Isbitaalka weyn ee Baydhaba ayaa xilligan lagu daweynayaa dhaawacyo tirdoodu gaareyso ilaa 4 ruux, oo isugu jira shacab iyo askar kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalkii xalay, oo ahaa mid saacado badan qaatay.

Weerarkan ayaa ku soo aaddaya, Xili ay baydhabo ka socota doorashadda Gollaha Shacabka, taasoo waqtigan ay dul hoganayaan dhaliilo kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.