Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Hiiraan

Dagaalka ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda ay Ciidamo cusub u dirtay Beledweyne, oo xiisad ka taagan duleedkeeda.

Warar Keydmedia Online
Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo dagaal Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ay leeyihiin, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor'imaad muddo saacado ah socday, sida dadka degaanka u xaqiijiyeen KON.

Labada dhinac ayaa soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan, iyadoo Saraakiil u hadashay Ciidamada dowladda ayaa sheegtay in ay iska-cabiyeen weerarka Al-Shabaab.

Dhanka kale, Al-Shabab ayaa warar ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka waxay ku sheegeen inay dileen hal Sarkaal oo kamid ahaa Ciidanka Dowladda, islamarkaana ay dhaawaceen seddax askari. Ma jiraan illo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.