Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Puntland

Dagaalka oo ka dhacay miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, ayaa la sheegay inuu salka ku haayo muran ka dhashay degaamaynta miyiga.

Warar Keydmedia Online
Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Puntland

BOOSAASO, Soomaaliya - Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootey, 13 kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed, oo ka dhacay gobolka Bari oo katiran Puntland.

Dagaalka ayaa billowday shalay, wuxuuna soo gaarey illaa xalay, wuxuuna ku dhexmaray labada dhinaca miyiga degmada Isku-shuban. Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in colaadda ay salka ku hayso muran ka dhashay degaamaynta miyiga.

Dhaawacyada ayaa loo qaadey Isbitaalka Boosaaso, iyadoo xaaladda goobtii lagu dagaalamay ay ka jirto xiisad dagaal kadib markii labada malleeshiyo beeleed ay soo gaareen gurmad Ciidan iyo hub.

Mas'uuliyiinta Maamulka gobolka ayaa ugu baaqey in la joojiyo dagaalka, islamarkaana laga wadahadlo waxyaabaha la isku khilaafay ee dhinaca deegaameynta iyo muranka dhulka la xiriira.

Gobolka Bari waxaa saldhigyo ku leh Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar ku dagaalama dhulka buuralayda ah ee Galgala, iyagoo isku qabta Canshuurta xooga ah ee ay ka qaadaan ganacsiga Boosaaso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.