Dagaal maalintii 3aad ka socda Boosaaso

Kumanaan qof ayaa ku barakacdey colaadda Boosaaso, iyadoo khasaaraha dhimashada uu sii kordhayo maalinba maalinta ka dameysa.

Warar Keydmedia Online
Dagaal maalintii 3aad ka socda Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Waxaa xalay saqdii dhexe Dagaal culus dib uga qarxay magaalada Boosaaso, ee Caasimadda gobolka Bari oo ku yaalla xeebta Gacanka Cadan.

Dagaalka oo illaa hadda socda ayaa u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, oo diidan amarka Deni.

Hubka culus ayay laba dhinac isku adeegsanayaan, kaasoo laga maqlayo guud ahaan xaafadaha magaalada Boosaaso, oo inta badan dadkii deganaa ay barakaceen.

Dagaalka oo galay malintii 3aad, ayaa dib u qarxay xilli labada dhinac shalay ku dhawaaqeen xabad-joojin, ayna socdeen dadaalo lagu doonayo xal nabadeed, oo wahadal ku yimaada.

Inta la ogyahay waxuu shalay khasaaraha marayay 10, halka dhaawaca 50 dhaafayay, waxaana laga cabsi qabaa in intaasi ka bataan, maadaama dagaalka dib u qarxay xalay.

Agaasimaha PSF ee xilka laga qaadey ayaa haysta taageerada Beeshiisa oo ku badan gobolka, wuxuuna qoyskiisa mudo ka badan 15 sano haysteen hay'adda uu Mareykanka taageero.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.