Dagaal qaraar oo ka dhacay albaabka laga galo Kismaayo

Jubbaland ayaa tan iyo 2013 waxaa xukumayay hogaamiyihii Jabhadda Raas Kambooni Axmed Madoobe oo Kenya taangi ku geysay Kismaayo dhamaadkii 2012.

Warar Keydmedia Online
Dagaal qaraar oo ka dhacay albaabka laga galo Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Degaanka Baarka oo wax ka yar 15-KM u jira Kismaayo waxaa ka dhacay saakay dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ciidanka Axmed Madoobe iyo Kooxda Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay kusoo tooseen dagaal ka socda bar-koontarool oo Ciidanka fadhiyeen, halkaasoo Al-Shabaab ku burburisay Ceelkii biyaha laga cabayay.

Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhaawacmay dagaalka, mana la xaqiijin khasaaraha gaarey Al-Shabaab oo goobta ka geystay burbur xoog leh markii ay galeen saldhig Ciidan.

Jubbaland ayaa ka jirta amni xumo iyadoo tan iyo 2013 uu xukumayay hogaamiyihii Jabhadda Raas Kambooni Axmed Madoobe oo Kenya taangi ku geysay Kismaayo dhamaadkii 2012.

Tuulooyinka ku teedsan Kismaayo waxaa ku sugan Al-Shabaab, oo sidoo kale si buuxda gacanta ugu haysa gobolka Jubbada Dhexe, waxaana Axmed Madoobe lagu eedeeyay inuusan doonaynin dagaal inuu la galo Kooxdan oo isaga horey uga tirsanaan jiray.

La dagaalanka Al-Shabaab meel kasta oo Soomaaliya kamid ah wuxuu noqday mashruuc lacag looga cuno Beesha caalamka, maadaama dhaqaalaha dalka lagu bixiyay intiisa badan ku yimaado la dagaalanka argagaxisadda.

Jubbaland waa meesha ugu badan Al-Shabaab joogto, iyadoo Ciidanka Kenya ay mudo 9 sano ah fadhiyaan Kismaayo, oo banaanka uga soo bixi waayay, waxayna ilaashadaan dekada Magaaladda oo si sharci daro ah uga dhoofiyaan dhuxusha, oo 2012 gollaha amniga mamnuucay si aysan Al-Shabaab dhaqaale uga helin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.