Dagaallo qasaaro geystay oo ka socda Galmudug

Qaar kamida deegaanada dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda dagaal beeleedyo u dhaxeeya qabaa'illada daga gobolka Galgaduud, waxaana lasoo sheegayaa in tiro dad ah ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo ka socda laba deegaan oo Galgaduud katirsan

Warar Keydmedia Online
Dagaallo qasaaro geystay oo ka socda Galmudug

GALINSOOR, Soomaaliya - Sida ay Keymdmedia Online xog ku heleyso waxaa hadda ka socda qeybo kamid ah Galmudug dagaallo geystay qasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay, in ka badana tiradaasna way ku dhaawacmeen kaddib markii uu dagaal culus ka qarxey deegaanka Kaxandhaale oo katirsan Gobalka Galgaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Malleeyshiyaad kasoo kala jeedaa Galinsoor iyo Dhabad.

Sidoo kale waxa uu dagaal ka socdaa degaanka Xananbuurre oo isla Gobolka Galgaduud katirsan, kaasoo 45-KM u jira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, oo ay ku sugan yihiin Madaxda DF iyo Maamullada ku leeyihiin Shir khilaafka doorashadda looga hadlayo.

Saan-saanta dagaalka ayaa muddadii saddexda berri ee u dambeeyay laga dareemayay qeybo kamid ah Galgaduud, iyadoo aysan jirin cid kala dhex gashey Malleeshiyaad beeleedka dagaalamaya, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro qasaaro aan la shaacin kaasoo ka dhashey dagaallada saakey ka qarxay.

Dagaallada ayaa u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah oo colaadooda salka ku haysa dhul daaqsimeed iyo ceelal biyo laga cabo, waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan deegaanada ku dhaw halka uu dagaalku ka socdo.

Dhuusamareeb oo madaxda dalka ku sugan yihiin ayaa xalay hoobiyeyaal lagu garaacey, iyadoo ay Maanta Ciidamada dowladda tageen tuulooyin ku dhaw magaaladda si looga hortago markale inay Al-Shabaab kasoo weerarto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.