Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Buulabarde (KON) - Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah Bulshada Degmada Buulaburde waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo Maanta Duleedka Magaalada Buulaburde ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 Qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ay halkaasi ku dhinteen, halka dhaawacu lagu qiyaasay 30 ruux.

Abanaduulaha Ciidamada xooga dalka ee Gobolka Hiiraan ku sugan Kolel Cismaan Cabdi Muumin ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka oo muda socday ay ku dileen inkabadan 30-dagaalame oo katirsanaa Al-Shabaab, waxaana uu xusay in dhankooda uu jiro tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shalay ayaa Dagaal uu ka dhacay inta u dhexeysa Magaalooyinka Buulaburde iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamo la socday gaargaar loo waday Degmada Buulaburde halkaasi oo khasaara badan uu ka dhshay.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in dagaalka Maalintii Labaad ka dhacay Gobolka Hiiraan ay ku dileen Askar isugu jira Ciidamada Somaaliya iyo kuwa AMISOM.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.