Dagaal ka dhacay degmada Yaaqshiid

Muqdisho(KON) - Maleeshiyadka Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay degmada Yaaqshiid

Weerarka ayaa iskugu jiray Madaafiic iyo Dagaal Toos ah,kaas oo ay saldhiga ku soo qaadeen Kooxda Al-shabaab,waxana dagaalka uu ahaa mid mudo kooban socday.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Maxuyadiin Xasan Juris oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ay soo qadeen Nabad diidka Al-shabaab islamarkaana Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Saldhiga degmada ay iska caabiyeen.

Mudane Juris ayaa sheegay in ay Dileen Tiro ka tirsan dagaal yahanada Kooxda Al-shabaab,inkastoo uu san sheegin Tirada inta ay la egyihiin Raga ay dagaalka Xalay ku dileen.

Degmada Yaaqshiid ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaal iyo Qaraxyo iyo sidoo kale Dilal Qorsheysan oo ay geeysanayaan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.