Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay Baled Xaawo

Muqdisho(Keydmedia) Degmada baled xaawo ee gobalka gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho dhaawac soo gaartay dad ay rayid ka mid ahaayeen.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka uu bilowday galinkii danbe ee shalay ayaa soo gaaray ilaa saq dhex oo xalay ah, waxaana mudadii dagaalka uu sacday dhinacyada dagaalamay isku badaleyn gacan ku heyta magaalada.

Saraakiil ka kala tirsan ciidamada dowladda iyo ahlu sunna oo is biirsanaya iyo xoogaga mucaaradka ayaa kala sheegtay guulo ay gaareen iyo jab xoog leh oo ay gaarsiiyeen dhanka kale.

 

Dhanka kale warar madax banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in qiyaastii 10 ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen dagaalada labada dhan u dhaxeeya isla markaana ay ku dhaawacmeen kuwa kaloo badan.

 

Shacabka deegaanka qaarkood oo cabsi badan ay ka muuqato ayaa sheegaya in magaalada iminka gudaheeda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda halka xoogaga mucaaradkana ay ku sugan yihiin daafaha magaalada.

 

Degmada baled xaawo oo ah mid aad u yar ayaa waxaa mudo ku dhaw asbuuc ka taagan dhiila colaadeed oo aanay cidina ku gacan sareyn isla markaana laga dhaxlayo qasaaro shacabka soo gaara.

 www.keydmedia.net

                

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.