Dagaal laga abaabulayo degmada Afgooye

Muqdisho(Keydmedia) Degmadax afgooye ee gobalka Sh.hoose oo ka tirsan deegaanada ka maqan gacanta dowladda ayaa iminka waxaa ka bilowday talaabooyin loogu diiwaan galinayo dhalinyarada deegaanka ka qeyb galka dagaalka ka socda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyaradan oo ah kuwa qaab handadaad ah lagu soo ururiyay ayaa shalay galinkii danbe lagu diiwaan galinayay fagaare ku yaala degmada afgooye ee gobalka Sh.hoose.

Xasan Mahadi oo ka mid ah ku tirsanayaasha xisbiga Xasan Daahir oo ka hadlay goob ay dad isugu soo baxeen ayaa dhalinyarada ku guubaabiyay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay hagaar la’aan uga qeyb gali lahaayeen dagaalka ka socda Dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada loo abaabulayo ka qeyb galka dagaal ee ku sugan degmada afgooye ayaa qaarkood waxa ay yihiin kuwa ka barakacay dagaalada Muqdisho ee u dhaxeeya dhinacyada is diidan ee dagaalka u dhaxeeyo.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.